Dhammaan noolaha caaqilka iyo san ku
neefleyda kale kama maarmaan iney rafiiq yeeshaan, Qormadaan waxaan ku
bidhaamin doonaa muhiimadda xiriirka oo ah hilinka saaxiibbo lagu hanto.
Xiriirku waxa uu saameyn
ballaaran ku leeyahay caafimaadka iyo farxadda qofka, midka wanaagsan waxa uu
yareeyaa wel-welka, wuxuu na siiyaa isku kalsooni, wuxuu ka hortagaa inaan godka
keli-nimada galno.
Daahnaanta xiriirka waxaa ka durdura dabeecado didmo leh sida
barashada balwadda, kuwaa oo kugu hoggaamin kara hab-nololeed suurad rogan,
dhiraandhirin ayaa lagu yiri xiriirku waxa uu muhiim u yahay daryeelka
nafsaaniga ah.
Si kale waa sil-silad isku keenta dadweynaha balse waa mareeg qofkii
u qasdaa uu iska siibi karo ama uu isku sidki
karo, waa dunta dadka u kala dab qaadda dareenkooda isku duwda, waa dhaqan soo
jiray waase la sii hormariyey markii la arkay nuxurkiisa durugsan.
Xiriirku waa doonis
aasaasi u ah inuu yeesho qofka aadanaha ah, daneeyaasha hab-dhaqanka dadka ayaa
ku qeexay dabci nagu maran.
Xiriirku sidiisa badan
waxa uu ka unkamaa shaqada, iskuulka, deegaanka ,madasha ururada, kooxaha cayaaraha,
iyo baraha bulshada oo noqday ilo sahla isla socodka.
Khuburada cilmi nafsiga
waxay sheegeen in xiriirku uu na siinayo dareen dugaaleed, macnaha xiriirka
xooggan waa garab ku hareer taagan iyo han sare oo isku duuban.
Sababtoo ah waxaad ka
heleysaa taageero iyo dhiir-gelin xilliyada aad aadka ugu baahantahay talo iyo
toosin wakhtiga adag sida xaaladaha kediska u dhaca.
Maal badan oo aad
tabcato waxa uu kugu dhaafi karaa si sibiq ah (deg deg ah) balse saaxiibo aad
kasbato way ka sal adag yihiin xoolo aad xoogga saarto.
60 warbixin oo la
daabacay ayaa lagu yiri cabidda sigaarka, culeyska xad-dhaafka ah, cudurrada
qaar waxa ay ka wada dhashaan la'aanta xiriir bulsho oo wanaagsan.
Hey'adda caafimaadka
dunida ee WHO ayaa ogaatay in xiriirka dadweynaha uu muhiim u yahay caafimaad
qabkeena.
Daraasado aan tiro
laheyn ayaa wada tilmaamay in xiriirka xoogani yahay farxad iyo awood isku
dhafan.
Xogtu waxay tiri “qiyaastii
70% farxaddu waxa ay dadka uga timaadaa
xiriirka togan ee aan bulshada la leenahay.”
Sidaa daraadeed hubi
inaad wakhti ku bixiso qoyskaada, asaxaabtaada oo dib ula xiriirto
jaalo-yaashii iskuuulka, si xiririkaadu u hagaago.
Habab
badan ayuu casrigan xiriir kuugu suura-geli karaa sida wada hadal fool ka fool ah, teleefoon,
qoraal, farriin danabeed, iyo baraha bulshada Tv ama raadiye.
Waxaa
soo raaca midka luuqadaha jirka sida midaarida (Dhaqdhaqaaq baaq ah oo cid wax
lagu garansiiyo siiba dadka dhegaha la’.)
Qoraha
buugga “Sidee saaxiibbo loo kasbadaa.”
Talooyinkiisa kuwa ugu tunka weyn tan ayaa ka mid ah oo leh “xasuusnow
magacyada asaxaabta,”.
Waxaa jira xiriir xoogan oo ka dhaxeeya awooddaada xiriir iyo
guulahaaga noloshada iyo qanacsanaantaada waayaha.
Oraah ayaa leh saaxiibadu waa ubaxa darjiinka nolosha, waxaa kale
oo loo arkay wax qofka xassilooni siiya.
Inkastoo lagu kala
fara-dhuubaanyahay xiriir ku dhex
yeelashada bulshada kugu xeeran iyo tan kaa baxsanba haddana tiknolojiyadda
ayaaba fududeysay.
Qofka oo dareema in
xiriirku wax kala maqan yahay waxa ay xal u noqoneysaa yaraanta xiriirkkisa
dadweyne.
Xiriirka bulshada oo
hagaagana waxa uu dhalayaa midnimo, iska warqab iyo kalsooni dadweynaha ka dhex
abuuranta.
Qore:- Axmed
Maxamed Maxamuud (Axmed Haadi)

0 comments:
Post a Comment