Saturday, April 14, 2018

Afar sano ka dib salkii socdaalka

Waxaan qeyb ka ahaa kana qeyb galay munaasabadda loo qabtay arday saddex kuliyad isugu jiray oo ka qalin jabiyey jaamacadda Geeska Afrika.

Marka laga tago tiro kooban waa da'yar afar sano u soo adkaystay inay mar uun dhameystaan heerka koobaad ee tacliinta.

31-dii December safar dheer ka dib waxaa fadhi ka duwan kii fasalka wada qaatay arday wiilal iyo gabdho leh, macalimiin,waalidiin iyo marti sharaf kale.


Si isaga dhaw sidii hore ayey uga mideysnaayeen dareenka farxadda huwan muddadii lagu sugnaa golihii munaasabadda

Koox-koox ayaan u dhex galayey anoo kula tidcan farxadda balse doonaya inaan wax ka ogaado filashada saaxiibada socdaalkii uu isku-keen sidkay maadama jaamacadi dhamaatay.

Waxay ila wadaageen barkood sheekooyin hoose waxaa ka mid ahaa inuu jiro shaki ku maran oo ka haysta dhanka shaqo helista.

Balse kuwo ayaa ii hogo-tusaaleeyey doonis kale oo ah inay isku hawlayaan hir-gelinta hal abuur, kuwa waxay laabta ku hayaan arrimo u gaara.

Weydiimaha kale ee dhegehayga ku dhacayey jawaabahoodu ay u janjeereen is bogaadin waxaa ka mid ahaa sii wadidda wax-barashada heerarkeeda kale.

Kolba qofka hadalka qaata ee masraxa ka soo muuqda waxaa lagu soorayey sacab iyo sawir, waxaa ku larnaa munaasabadda madadaalo.

Waxay ka sinaayeen ardayda, maamulka jaamacadda iyo martida kale dareenka farxadda oo waxayba u ahaayeen marti

Xaaladihii adkaa ee waayadii Muqdisho iyo kuwii tacliinta u gaar ahaa muusood farxaddi ku dheehan tahay ayaan ku xusayney.

Wasiiru dawlaha wasaaradda wax-barashada Soomaaliya ayaa ka mid ahaa marti sharaftii u hambalyeeyey ardeyda.

Waxa uu maamulka ku bogaadiyey inay xoogga saaraan soo saaridda arday aqoon u leh culuumta muhiimka u ah dalka iyo dadka.

Martidii kale ee kulan ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa xildhibaan Dalxa, oo inta badan ku dheeraaday ahmiyadda wax-barashada.

Gudoomiyaha jaamacadda Geeska Afrika Maxamed Cusmaan Abba Sheekh ayaa sheegay inay ka go'an tahay soo saaridda arday wax gal ah.


Munaasabadda ayaa ugu dambeyn ku soo dhamaatay shahaado bixin, isku mar-xabayn, iyo sawiro la wada galay.
Share:

Wednesday, April 4, 2018

Xiriirku- ka xoog badan xoolo la xareysto


Dhammaan noolaha caaqilka iyo san ku neefleyda kale kama maarmaan iney rafiiq yeeshaan, Qormadaan waxaan ku bidhaamin doonaa muhiimadda xiriirka oo ah hilinka saaxiibbo lagu hanto.

Xiriirku waxa uu  saameyn ballaaran ku leeyahay caafimaadka iyo farxadda qofka, midka wanaagsan waxa uu yareeyaa wel-welka, wuxuu na siiyaa isku kalsooni, wuxuu ka hortagaa inaan godka keli-nimada galno.

Daahnaanta xiriirka waxaa ka durdura dabeecado didmo leh sida barashada balwadda, kuwaa oo kugu hoggaamin kara hab-nololeed suurad rogan, dhiraandhirin ayaa lagu yiri xiriirku waxa uu muhiim u yahay daryeelka nafsaaniga ah.

Si kale waa sil-silad isku keenta dadweynaha balse waa mareeg qofkii u qasdaa uu iska  siibi karo ama uu isku sidki karo, waa dunta dadka u kala dab qaadda dareenkooda isku duwda, waa dhaqan soo jiray waase la sii hormariyey markii la arkay nuxurkiisa durugsan.

Xiriirku waa doonis aasaasi u ah inuu yeesho qofka aadanaha ah, daneeyaasha hab-dhaqanka dadka ayaa ku qeexay dabci nagu maran.

Xiriirku sidiisa badan waxa uu ka unkamaa shaqada, iskuulka, deegaanka ,madasha ururada, kooxaha cayaaraha, iyo baraha bulshada oo noqday ilo sahla isla socodka.

Khuburada cilmi nafsiga waxay sheegeen in xiriirku uu na siinayo dareen dugaaleed, macnaha xiriirka xooggan waa garab ku hareer taagan iyo han sare oo isku duuban.

Sababtoo ah waxaad ka heleysaa taageero iyo dhiir-gelin xilliyada aad aadka ugu baahantahay talo iyo toosin wakhtiga adag sida xaaladaha kediska u dhaca.

Maal badan oo aad tabcato waxa uu kugu dhaafi karaa si sibiq ah (deg deg ah) balse saaxiibo aad kasbato way ka sal adag yihiin xoolo aad xoogga saarto.

60 warbixin oo la daabacay ayaa lagu yiri cabidda sigaarka, culeyska xad-dhaafka ah, cudurrada qaar waxa ay ka wada dhashaan la'aanta xiriir bulsho oo wanaagsan.

Hey'adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa ogaatay in xiriirka dadweynaha uu muhiim u yahay caafimaad qabkeena.

Daraasado aan tiro laheyn ayaa wada tilmaamay in xiriirka xoogani yahay farxad iyo awood isku dhafan.

Xogtu waxay tiri “qiyaastii 70% farxaddu  waxa ay dadka uga timaadaa xiriirka togan ee aan bulshada la leenahay.”

Sidaa daraadeed hubi inaad wakhti ku bixiso qoyskaada, asaxaabtaada oo dib ula xiriirto jaalo-yaashii iskuuulka, si xiririkaadu u hagaago.

Habab badan ayuu casrigan xiriir kuugu suura-geli karaa  sida wada hadal fool ka fool ah, teleefoon, qoraal, farriin danabeed, iyo baraha bulshada Tv ama raadiye.

Waxaa soo raaca midka luuqadaha jirka sida midaarida (Dhaqdhaqaaq baaq ah oo cid wax lagu garansiiyo siiba dadka dhegaha la’.)

Qoraha buugga “Sidee saaxiibbo loo kasbadaa.” Talooyinkiisa kuwa ugu tunka weyn tan ayaa ka mid ah oo leh  “xasuusnow magacyada asaxaabta,”.

Waxaa jira xiriir xoogan oo ka dhaxeeya awooddaada xiriir iyo guulahaaga noloshada iyo qanacsanaantaada waayaha.

Oraah ayaa leh saaxiibadu waa ubaxa darjiinka nolosha, waxaa kale oo loo arkay wax qofka xassilooni siiya.

Inkastoo lagu kala fara-dhuubaanyahay  xiriir ku dhex yeelashada bulshada kugu xeeran iyo tan kaa baxsanba haddana tiknolojiyadda ayaaba fududeysay.

Qofka oo dareema in xiriirku wax kala maqan yahay waxa ay xal u noqoneysaa yaraanta xiriirkkisa dadweyne.

Xiriirka bulshada oo hagaagana waxa uu dhalayaa midnimo, iska warqab iyo kalsooni dadweynaha ka dhex abuuranta.

Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed  Haadi)


Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com
Share: