Thursday, October 5, 2017

Dalmarayaal, u safra sidii dalxiisayaal kase duwan !

Qofi waxa uu laabta ku beegto ciddo ma ogaato balse kol baa sida kaah iftiin loo arkaa waase goortuu kadin ka helo wixii ku keydsanaa. Biyuhuba kolkay karaarada ka kormaraan ayaa laga kurboodaa, kulamana laga yeeshaa iska moosidooda inta ka horeysa warba looma hayo. Dheriguna kolkuu kululaaduu karkaraa, markaas ayuu isna qooraansi kasbadaa.laguna ridaa cuuudkii la cuni lahaa caynkuu ahaadaba

Waxaa heerkaa oo kale maanta mara ama ka dhaw dhibaatada qaxootinimada+barakaca oo noqday mid maqalkeena maalinlaha ah ku miisan. Boqolaal ayaa la bahoobay bayhoofka qaxootinida ku baahay dacalada dunida, kuna qaatay wakhtigooda Loxos joogta ah iyo geedi kooreysan.Waa arin xanuun leh markaad noloshaasa badi ku dhammeysato hayaan hirasho liita hilinkiisu halis yahay- cimriguna ku cirbinayo.

Dalmarayaal, u safra sidii dalxiisayaal kase duwan ayey ka sheegtaan kuwa ka ladan duufaanta xididdada u siibtay negaanshaha bulshooyin badan. Ururka mideeya badi dawlada caalamka ayaa tun iyo tabarba u waayeey xakamaeynta baracakan iyo qaxootinimada baalasha fidsaday ee lala baroortay. Marka la isla soo qaado wax ka qabashadiisa waxa ay xaajadu u majiirantaa faanoole fari kama qodna, sii fur-furideeda ayuu murug galaa.

Il furan oo aysan fududeyn farsamadeeda ayey hadda u eg tahay marka la fiiro kororka ku yimid dadka qaaradaha isaga gudbaya. Qarnigan 21aad, wuxuu noqday mushkiladda ku hor gudban hawlaha caalamka waxaana batay, oo banaanka yimid bayhoofka laga dhaxlay. Muwaadiniin soomaaliyeed ayaa dhawr iyo labaatan sano ku jiray socdaal bardhaadkiisu noqday qaxootinimo qaayo liidata.

Barakaca iyo qaxooti noqoshada ayaa leh taariikh fog oo waxaa kolba hoggaanka u hayey gelidda waayo dagaal iyo kuwo duufeed. Dhibaato kolba tan kuugu dambaysa ayaa xanuunkeeda leh, dunida waxaa culeys ku haya guur-guurka soo batay ee dhalay diihaalka. Dhacdooyin dhuuriga huwan lagana danqaday ayaa laga diwaan geliyey qiimo wiiqan intii uu socday taariikhda fog iyo tan dhawba.

Sanadkii 2015 wiil Kurdi ah jirayna 3 sano ayaa laga helay meydkiisa xeebta magaalada Bodrum ka dib markii doon wadday isaga, hooyadii iyo caruur la dhashay ay rogmatay. Sawir sabigaas laga qaaday ayaa ahaa mid xusuustiisa leh oo caalamkana tusaale fiican ka siiyay heerka uu gaarsiisan yahay bayhoofka barakaca. Tabintaas tiiraanyada laheyd ma aheyn bilow midd soo afjartay taxanaha shidda soo jirtay, balse waxay aheyd tusaale yar marka si loo eego.

Middaas oo kale ka daranna waa waxa la soo darsay muwaadiniinta reer Siiriya socdaal iyo saxariirka ku jira sanado. inta banaan yaalka noqday isla sanadkaas waxaa lagu qiyaasay 3 malyan, ku sii darso qaaradda Afrika iyo Eeshiya ayey dadkaasi ka seeto goosteen.

Nolol sheeko u biyo shubaneysa lagana soo sheego Yurub iyo Ameerika, hase ahaate haadaani ka sokayso ayaa himi kicisa kumaanta naftooda ama galiya. inkastoo qaxootinimada aysan aheyn wax ugub ah hadana waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo inuu dunida ka weeciyo dhanka wanaagga sharafta leh. si qoto dheer markaan u eegno dihaalka qoxootinimada waa xaqiiq nagu dahaarneyd sanad tirsiga fog, ma aheyn kaliya wax la kowsaday dagaalkii koobaad iyo kii labaad.

Gacan qaadkii koobaad ee dunida sanadkii 1914 waxaa meelo badan oo Yurub ah ka bilowday barakac ka dhashay is fara saaridda dawladado loolani ka dhex jiray. Kii labaad ayaa isla horseeday guur-guur hor leh iyo qaxootinimo, bilowgiisii ayaa  xal  la doon-doonay 1939 waxa la sameeyey guddi weyne hawshiisu tahay dib u dajinta qaxootiga.

Sanadkii 1917 waxaa muhaajiriin noqday 320,000 oo u dhashay Armenia kuna kala firdhaday bariga dhexe, balkaniska, iyo yurub.Wuxuu aad u korshay xilligii isku dhacyadu ay ka jireen Jarmal, Spaian, iyo Talyaaniga, barakayaal lagu sheegay 140,000 oo reer Spain ah ayaa Faransiiska u baxsaday.

Muhaajriin u dhaxeeyey 65,000-70,000 ayaa bartamihii sanadkii 1938, go’aansaday iney ka degaan doorsadan Talyaaniga iyo Jarmal, badankooda afrika ayey u soo kicitimeen. intii u dhaxeysay 1939 ilaaa 194, 1.6 malyan oo ruux ayaa ka barakacay bariga yurub, oo qaxooti noqday, haddase way booga dhaydeen.

Dalal ugu badnaa barakaca iyo haajirida taariikhdii hore dhanka yurub iyo Eeshia . Germany,Austria, Czech, Armenia, Spain, Vietnam, Korea iyo China, sida ka muuqata sooyaalkaa kumaan sano ayey barakayeen, iyagoo goobaya nolol wanaagsan.

Si guud dad qaxootinimada u haqal taaga waxaa soo jeeta fursado shaqo, kuwo tacliin oo ay ka bidhaansadaan dalal kale, kuwana waxay ku taamaan la midoobidda qoys ama saaxiibo horey u barakacay, balse muhaajiriinta ugu badan waxaa waxaa u horseeda musiibooyin dabiici ah, saboolnimo, xasilooni la’aan siyaasadeed, arimo jinsi ama diimeed iyo dagaal.

in ka badan 232 Malyan ayaa qaxooti ahaan ugu diwaangashan dunida, waayadan si deg deg ayay sidaasi u kordhay intii u dhaxaysay 1990 iyo 2013, 50% tirada ayaa kor u dhacday. World Bank ayaa wax ka qoray taariikhda dheer barakaca, waxuu soo qaaday Mexico oo muwaadiniin badan dibadaha ka joogaan, 97% mareykanka ayey ku nool yihiin.

Waxaa kale oo uu bangigu soo qaaday dalal China, India, Russia iyo Ukrainekuwaas oo  dhamaantood muwaadiini uga baahsan yihiin caalamka, waxa kala kiciyey haba kala duwanaadaane. Bariga dhexe isku dhicii Carabra Iyo Israa’iil 1948–1949 waxaa ku barakacay ama ku qaxootiyoobay 500,000 ruux oo wajahay waayo adag.

Tallaabooyin kale ayaa lagu dhaqaaqay sida iclaamintii guud ee xuquuqul insaanka 1948 ilaa ugu dambeyn laga aas-aasay hay’adda u gaarowday ee UNHCR 1950. Waxay u qeyb samaan dadka socdaalka maala kuwa isku dayaya inay ka baxsanan ammaan la’aan iyo ka digo rogaya qanacsanaan la’aan la seero noqotay iyo dhaan raac kooban.

Kuwii horey u dhadhamiyey dhibaatada barakaca iyo qaxootinimada waayihii hore ayaa wacyigooda dhisay ahna kuwo ka dhiifoon wax alllaala wixii ku keeni kara. Balse nasiib darro afrikaan badan iyo kuwo la dhaqan ah ayaa ka daman wax ka qabashada muwaadiniinta safarka ku sidigtay noloshooda. badankood waxay xorriyadda heleen afrikaanku 1951 ilaa 1966, guur-guurkii uga badnaa afrika waxa uu ka dhacay; Rwanda, Sudan,Bartamaha afrika kuwan iyo kuwo kalaba qaarkood ilaa hadda barakacu wuu ka jiraa.

Sida ay qortay mareegta April 18, 2017 www.worldvision.org wadamada ugu wax soo saarka badan dhan muhaajiriinta waxaa kamid ah Somalia, Koonfurta Suudaan, kuwa la isku yiraahdo Harta Jaad (Nigeria, Cameroon, Niger, iyo Chad), Afganistaan iyo Syria. Soomaaliya hadaan eegno waxaa ka dhacay barakac kala fogeeyey muwaadiniin diir iyo deegaan wadaag ahaa dantuna u kala sahan tagtay.

Inba meeshay cagi gaysay ayay dibad yaal dayacan ku noqdeen kuwana dadka gudihiisa ayey kolba deegaan beegsadaan iyagoo duruufuhu ku lamaanan yihiin. Tirada soomaaliya u diwaan gashan UNHCR ee jooga xeryaha qaxootida dalalka dariska caddeyn inoogu bayhoof uu muwaadiniinta badday qaxootinimda.

Kenya: 500,000, Ethiopia 250,000, Yemen 260,000, Djibouti  20,000, Uganda 20, 500 hadaba say noqon kartaa nolosha dadkeenaa ! Saxar ma saarna inay dayac la dadab galeen calool xumo iyo qaracan u dheer tahay inkastoo qaarkood ay la qabatimeen dhibaatada barakaca.

Qod la riday quraanjadii gashaa qoob dad waa u halis , dulucda ticdaas waxaa fasiray bayhoofka ay muwaadiniintu ka dhaxleen barakaca baaluqay. Caano daatay dabadooda ayaa la qabtaa weli waxaan noo furan inaan iskeen uga hor tag waxyaabaha naga geyn kara. Xalka waxaa loo arkaa inuu ku imaan karo siyaasad hagaagsan, kheydaadka oo laga wada fa’iideyso, haqantaagidda dibadda oo la yareeyo.

Waa iney isbeddel sameeyaan qoomiyahu, dawladdu, waxna ka baranaa waxyaabihii sababay haajiridii ummaddihii naga horeeyey kana leexanaa arrimihii gara mariyey marinka toosan, oo aan garowsanaa cawaaqibka ee koobiyo waayaha qaxoonimada.

Ka soomaali ahaan xalinta mushkiladan waxaa inooga furan waddo maankaaga kaasho bal ka waran haddaan dunida ka dul qaadno qeyta aan ku leenahay mashaakilkaas, oo aan noqono kuwo magacaa muunadda liita ka mayrta.

Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Haadi)

Ilaha:http://www.theguardian.com/www.worldvision.org/http://www.therichest.com/http://www.unrefugees.org/
Share: