Thursday, November 16, 2017

Fir-fircoonidu waa Fayoobi!

Fir-fircoonidu waa u heelanaanta shaqa kasto iyo soo hindisidda hal-abuur cusub si joogta ah taas oo ka imanaysa shaqsiyaad, urur gaar ah ama bulsho wada jirta.

Howl u fir-fircoonaantu waxa ay hiil u tahay caafimaad qabka qofka, hawl-karimada iyo fayoobida waxaa ka dhaxeeya xiriir la isa suro. Dadka ayaa u kala carboon howl qabashada, isku sina uga soo bixin qabashadeedaa – iyada oo shaqo lagu wada jira ayaa haddana soo gudashadeeda lagu kala horreeyaa.

Sahanno caafimaad ayaa daaha ka qaaday in dadka hawlaha u fir-fircooon ee aan ku kalax tagin/iska badin  ay caafimaad qabka kaga horreeyaan kuwa aan u carbooneyn. Kuwa isku arka inaysan hawlaha u carbooneyn waxaa talo ahaan loo siiyaa iyana inay hawlaha ku ilaashadaan caafimaadkooda

Horu-dhac

Ka dib ku soo biiritaanka ifka qof kasta waxaa la kowsada hawlo dhaxalsiiya dhaq-dhaqaaq taasi oo meel iska fadhiisiga ka fogeeya. Si guud iyo si shaqsiba, dadweynaha dunida waxay la leg-damayaan waayaha noloshada – iyada oo tab iyo taagba la kala duwan yahay.

Waayo dhamaanteen waxaan u baahannahay waxaana ku  noolaano, waana waxa nagu  hoggaamiya inaan shaqeyno. Kuwo ku hawlan halganka wax soo saar, waxay marar badan waayuhu ka xagal-daaciyaan tiigsigooda gaareed ama guud, caafimaad darrada ayaana ka mid aha caqabadahaas.

Gunta

Markay hawli kuu taallo, waxaa si degdeg ah kuugu dhalanaya fikir ku foorara/qotoma sidaad u qabanayso, goorta aad bilaabayso,  iyo go’aan ficil oo dabayaal, waxaa qofka ku dhasha dareen u kala dab-qaada badankiisa,waxaa durba shaqeeya xubno isku howla fududeynta hawshaada kugu hor-gudban.

Tallaabooyinkan waxa ay qofka u sahlayaan inuusan ahaan qolfoof fadhiid ah oo aan ka shaqaysiin awoodihiisa qarsoon ama muuqdaba. Sababta oo ah qofku waxa uu karaa haddii uu iskarsiiyo inuu ahaado dhiifane oo ay wadajir u howl-galaan isaga iyo awoodda uu Alle ku manaystay.

In kasta oo aragtidayada qaar ay qabaan howlahoo kugu battaa inay leeyihiin dhibaatooyinkooda, haddana waxaa xoog badan kuwa qaba in faa’iidooyin laga helo, waxaa si cilmiyeysan loo ogaaday dadka howlaha ku fir-fircoon xittaa marka ay gaboobaan inay ka caafimaad fiican yihiin kuwa lidkooda ah.

Howl jireed joogta ah oo aad sameyso waxa ay gaashaan u tahay caafimaadkaada, waxayna hoos u dhigtaa suurta-galnimada ay kuugu dhici karaan cudurada loo caal waayey iyo kuwa la dabiibo balse ku dili kara haddaana lala tacaalin, doonta laga dugsan karo  halisahana waa la fal-gelidda howlaha badabn..

Tiir dhexaad cudud leh ayuu caafimaadku u yahay qof kasta, waayo haddaan qoys ama bulsho nahay waxaan u baahanahay qof iyo bulsho waxa soo saar leh, helidda rabitaankan waxaa door durugsan ku leh bad-qabka muwaadiniinta, si ay u muuqato qofka kasta iyo kaalintiisa wax-qabad – cabasho la’aan.

Saddex ayaa caafimaadka qofka gun u ah, haddii uu hagaajiyo gabaad ayay uga noqdaan xanuunnada halista ah balse haddii uusan daneyn dabin caafimaad darro ku rida, saddexdaas howl-qabashadaa gadda hore kaga jirta.

Geyiga Soomaaliya waxaa waayadan ku soo batay cudurro muwaadiniin badan haleelay oo jar ka tuuray ama hoos u dhigay kaalinta wax-tarkoodii mid gaar iyo mid guudba.  Waxaa hubaal ah in kuwo inoo hayay hawlo hagaagsan ama haystay kuwo shaqsiyadeed inay gabeen ka dib markii caafimaadku ka hiiliyey.

Cudurrada ugu halista badan waxa ay ku dhacan dadka magalooyinka ku nool, inkasta oo kuwa miyiga ku dhaqan qudhooda cudurro ay helaan, haddana way ka cayman kuwa loo caal waayey ee laga cabaado kuna  cusub Soomaalida.

Khubarada caafimaadka waxa ay arrinkaas barkood u tiiriyeen dhaq-dhaqaaqa hawleed ee muwaadiniinta oo kala duwan, iyada oo hawli ay hawli tahay haddana reer guuraaga miyiga waxaa waa baryey iyo gabbal dhacayba horyaalla hawlo ka tunweyn ku yaal caasimadaha.
Gunaanadka

Caafimaadku waa deeq uu Alle u hibeeyo cidduu la doono, halka fayoobi la’aantuna tahay ragaad roga riyada qofka, waxay dadka ku dadaalaan arrimo kale in badan oo naga mid ah sidaa uma danayno caafimaadkeena.

Dad badan ayay dhakhaatiirtu kula taliyaan inay hawl jireed sameeyaan. Soo jeedistaas waxay daliil diirran u tahay qiimaha hawli leedahay, waxaa kale oo aad maanka ku haysaa in hawsho muhiim u tahay dhanka caafimaadkaada iyo sharaftaadaba.

Biyo inaysan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa, sidaa darteed inaan hawl dawo lagaaga dhigin waxaa habboon inaad ahaado mid hawl-qabashada u fir-fircoon si uu uga badbaado cudurrada kasbado fadhiidnimada.

Waxaa fure u ah caafimaadkaada hagaag-sanaantiisa sameynta hawl jireed, qaadashada hurdo kugu filan 8-9 saac iyo cunidda cunto isku dheelli-tiran, helidda cuntana waxa ay u baahan tahay hawl sidaa darteed u fir-fircoonow hawshaada si aad u hesho cuntadaas.

Talo Bixinta

In badan oo ka mid ah muwaadiniinteena ku nool magaalooyinka waxa ay hayaan hawl dhaq-dhaqaaq hawleedkoodu  yar yahay “Geel waa geel wixii gooyana waa geel” hawl jireedkooda yar ‘Jimicsigooda yar’ waxaa u kaabi kara  hawsha oo ay u fir-fircoonaadaan.

Howlkarnimadu kaliya uma roona kor ahaanshahaaga iyo sharaftaada, balse xasuusnow inay kaalin ku leedahay caafimaadkaaga, halka bad-qabkaaguna uu muhiim u yahay naftaada iyo bulshada kugu xeeranba.

Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Haadi)

Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com
Share:

Does Somalia need to ban plastic bags?

More citizens live around the world especially developing countries, they use plastic bag daily, once utilized it they drop out into roads and it affects the environment sanitation. As biodiversity experts indicated that it could be became most dangerous for the people and the environment. A lot of people prefer using plastic bags because it is easy for every person to get it, some others don’t desire it but they haven’t second option.

The consequences of plastic bags include environment damage and to leave using unique baskets, which were used a long time ago.  The problems in third countries include lack of awareness and weakness from the government’s plans for the sanitation. Occasionally, Plastic bags are leading to diseases including contagious and resistant. On other side, livestock usually eat the plastic bags and then suffer from maladies.

In my country, Somalia, the people are mostly using the different kinds of bag plastics as a basic need.  I can say in my observation Somalia is one of the countries which uses regularly the bags. If the citizens had gotten full understanding, regularly notices, they would value plants, animal microbes, and any other thing could lead to location damage and poor sanitation. Over two decades, the country has faced chaos and destroyed environment agencies, and the people don’t yet get enough awareness.

Nowadays, in Africa there are some attempts that are being doing by several governments, the aim of those efforts are to organize environment’s institutions. Earlier this week, Kenyan government has banned the using sack plastic. Every one or any commercial center has been ordered to comply with the regulation, which already has signed. The government has said after this outlawing, anybody who tries to sell plastic bags or use it, will face four years in jail or $40,000 Dollar of fine.

Previously, the Rwanda government had been prohibited plastic bags, other countries includes Italy, China, and France as well as. Al Habib Al-Habr is an expert who stays in Kenya and work with UN, he confirmed that the sack bags could effects human’s health through in fish and other animals. Slaughtered livestock including cow has been removed bags from their stomachs. The expert has recommended avoiding using the plastic bags as possible.

Do Somali citizens need similar Kenyan’s decision? Indeed, in Somalia plastic bags are constantly used, the roads even highways of Mogadishu appear more plastic stuck on the infrastructure sides.

The plastic bags indirectly affected the city’s attractiveness and citizen’s health. Many commercial centers in Somali capital sales containers of plastic bags, the community can make their role to prevent the risks of bags, but the toughest role is on the hand of the government.

Writer: – Ahmed Mohamed Mohamud (Ahmed Haadi)
Share:

Thursday, October 5, 2017

Dalmarayaal, u safra sidii dalxiisayaal kase duwan !

Qofi waxa uu laabta ku beegto ciddo ma ogaato balse kol baa sida kaah iftiin loo arkaa waase goortuu kadin ka helo wixii ku keydsanaa. Biyuhuba kolkay karaarada ka kormaraan ayaa laga kurboodaa, kulamana laga yeeshaa iska moosidooda inta ka horeysa warba looma hayo. Dheriguna kolkuu kululaaduu karkaraa, markaas ayuu isna qooraansi kasbadaa.laguna ridaa cuuudkii la cuni lahaa caynkuu ahaadaba

Waxaa heerkaa oo kale maanta mara ama ka dhaw dhibaatada qaxootinimada+barakaca oo noqday mid maqalkeena maalinlaha ah ku miisan. Boqolaal ayaa la bahoobay bayhoofka qaxootinida ku baahay dacalada dunida, kuna qaatay wakhtigooda Loxos joogta ah iyo geedi kooreysan.Waa arin xanuun leh markaad noloshaasa badi ku dhammeysato hayaan hirasho liita hilinkiisu halis yahay- cimriguna ku cirbinayo.

Dalmarayaal, u safra sidii dalxiisayaal kase duwan ayey ka sheegtaan kuwa ka ladan duufaanta xididdada u siibtay negaanshaha bulshooyin badan. Ururka mideeya badi dawlada caalamka ayaa tun iyo tabarba u waayeey xakamaeynta baracakan iyo qaxootinimada baalasha fidsaday ee lala baroortay. Marka la isla soo qaado wax ka qabashadiisa waxa ay xaajadu u majiirantaa faanoole fari kama qodna, sii fur-furideeda ayuu murug galaa.

Il furan oo aysan fududeyn farsamadeeda ayey hadda u eg tahay marka la fiiro kororka ku yimid dadka qaaradaha isaga gudbaya. Qarnigan 21aad, wuxuu noqday mushkiladda ku hor gudban hawlaha caalamka waxaana batay, oo banaanka yimid bayhoofka laga dhaxlay. Muwaadiniin soomaaliyeed ayaa dhawr iyo labaatan sano ku jiray socdaal bardhaadkiisu noqday qaxootinimo qaayo liidata.

Barakaca iyo qaxooti noqoshada ayaa leh taariikh fog oo waxaa kolba hoggaanka u hayey gelidda waayo dagaal iyo kuwo duufeed. Dhibaato kolba tan kuugu dambaysa ayaa xanuunkeeda leh, dunida waxaa culeys ku haya guur-guurka soo batay ee dhalay diihaalka. Dhacdooyin dhuuriga huwan lagana danqaday ayaa laga diwaan geliyey qiimo wiiqan intii uu socday taariikhda fog iyo tan dhawba.

Sanadkii 2015 wiil Kurdi ah jirayna 3 sano ayaa laga helay meydkiisa xeebta magaalada Bodrum ka dib markii doon wadday isaga, hooyadii iyo caruur la dhashay ay rogmatay. Sawir sabigaas laga qaaday ayaa ahaa mid xusuustiisa leh oo caalamkana tusaale fiican ka siiyay heerka uu gaarsiisan yahay bayhoofka barakaca. Tabintaas tiiraanyada laheyd ma aheyn bilow midd soo afjartay taxanaha shidda soo jirtay, balse waxay aheyd tusaale yar marka si loo eego.

Middaas oo kale ka daranna waa waxa la soo darsay muwaadiniinta reer Siiriya socdaal iyo saxariirka ku jira sanado. inta banaan yaalka noqday isla sanadkaas waxaa lagu qiyaasay 3 malyan, ku sii darso qaaradda Afrika iyo Eeshiya ayey dadkaasi ka seeto goosteen.

Nolol sheeko u biyo shubaneysa lagana soo sheego Yurub iyo Ameerika, hase ahaate haadaani ka sokayso ayaa himi kicisa kumaanta naftooda ama galiya. inkastoo qaxootinimada aysan aheyn wax ugub ah hadana waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo inuu dunida ka weeciyo dhanka wanaagga sharafta leh. si qoto dheer markaan u eegno dihaalka qoxootinimada waa xaqiiq nagu dahaarneyd sanad tirsiga fog, ma aheyn kaliya wax la kowsaday dagaalkii koobaad iyo kii labaad.

Gacan qaadkii koobaad ee dunida sanadkii 1914 waxaa meelo badan oo Yurub ah ka bilowday barakac ka dhashay is fara saaridda dawladado loolani ka dhex jiray. Kii labaad ayaa isla horseeday guur-guur hor leh iyo qaxootinimo, bilowgiisii ayaa  xal  la doon-doonay 1939 waxa la sameeyey guddi weyne hawshiisu tahay dib u dajinta qaxootiga.

Sanadkii 1917 waxaa muhaajiriin noqday 320,000 oo u dhashay Armenia kuna kala firdhaday bariga dhexe, balkaniska, iyo yurub.Wuxuu aad u korshay xilligii isku dhacyadu ay ka jireen Jarmal, Spaian, iyo Talyaaniga, barakayaal lagu sheegay 140,000 oo reer Spain ah ayaa Faransiiska u baxsaday.

Muhaajriin u dhaxeeyey 65,000-70,000 ayaa bartamihii sanadkii 1938, go’aansaday iney ka degaan doorsadan Talyaaniga iyo Jarmal, badankooda afrika ayey u soo kicitimeen. intii u dhaxeysay 1939 ilaaa 194, 1.6 malyan oo ruux ayaa ka barakacay bariga yurub, oo qaxooti noqday, haddase way booga dhaydeen.

Dalal ugu badnaa barakaca iyo haajirida taariikhdii hore dhanka yurub iyo Eeshia . Germany,Austria, Czech, Armenia, Spain, Vietnam, Korea iyo China, sida ka muuqata sooyaalkaa kumaan sano ayey barakayeen, iyagoo goobaya nolol wanaagsan.

Si guud dad qaxootinimada u haqal taaga waxaa soo jeeta fursado shaqo, kuwo tacliin oo ay ka bidhaansadaan dalal kale, kuwana waxay ku taamaan la midoobidda qoys ama saaxiibo horey u barakacay, balse muhaajiriinta ugu badan waxaa waxaa u horseeda musiibooyin dabiici ah, saboolnimo, xasilooni la’aan siyaasadeed, arimo jinsi ama diimeed iyo dagaal.

in ka badan 232 Malyan ayaa qaxooti ahaan ugu diwaangashan dunida, waayadan si deg deg ayay sidaasi u kordhay intii u dhaxaysay 1990 iyo 2013, 50% tirada ayaa kor u dhacday. World Bank ayaa wax ka qoray taariikhda dheer barakaca, waxuu soo qaaday Mexico oo muwaadiniin badan dibadaha ka joogaan, 97% mareykanka ayey ku nool yihiin.

Waxaa kale oo uu bangigu soo qaaday dalal China, India, Russia iyo Ukrainekuwaas oo  dhamaantood muwaadiini uga baahsan yihiin caalamka, waxa kala kiciyey haba kala duwanaadaane. Bariga dhexe isku dhicii Carabra Iyo Israa’iil 1948–1949 waxaa ku barakacay ama ku qaxootiyoobay 500,000 ruux oo wajahay waayo adag.

Tallaabooyin kale ayaa lagu dhaqaaqay sida iclaamintii guud ee xuquuqul insaanka 1948 ilaa ugu dambeyn laga aas-aasay hay’adda u gaarowday ee UNHCR 1950. Waxay u qeyb samaan dadka socdaalka maala kuwa isku dayaya inay ka baxsanan ammaan la’aan iyo ka digo rogaya qanacsanaan la’aan la seero noqotay iyo dhaan raac kooban.

Kuwii horey u dhadhamiyey dhibaatada barakaca iyo qaxootinimada waayihii hore ayaa wacyigooda dhisay ahna kuwo ka dhiifoon wax alllaala wixii ku keeni kara. Balse nasiib darro afrikaan badan iyo kuwo la dhaqan ah ayaa ka daman wax ka qabashada muwaadiniinta safarka ku sidigtay noloshooda. badankood waxay xorriyadda heleen afrikaanku 1951 ilaa 1966, guur-guurkii uga badnaa afrika waxa uu ka dhacay; Rwanda, Sudan,Bartamaha afrika kuwan iyo kuwo kalaba qaarkood ilaa hadda barakacu wuu ka jiraa.

Sida ay qortay mareegta April 18, 2017 www.worldvision.org wadamada ugu wax soo saarka badan dhan muhaajiriinta waxaa kamid ah Somalia, Koonfurta Suudaan, kuwa la isku yiraahdo Harta Jaad (Nigeria, Cameroon, Niger, iyo Chad), Afganistaan iyo Syria. Soomaaliya hadaan eegno waxaa ka dhacay barakac kala fogeeyey muwaadiniin diir iyo deegaan wadaag ahaa dantuna u kala sahan tagtay.

Inba meeshay cagi gaysay ayay dibad yaal dayacan ku noqdeen kuwana dadka gudihiisa ayey kolba deegaan beegsadaan iyagoo duruufuhu ku lamaanan yihiin. Tirada soomaaliya u diwaan gashan UNHCR ee jooga xeryaha qaxootida dalalka dariska caddeyn inoogu bayhoof uu muwaadiniinta badday qaxootinimda.

Kenya: 500,000, Ethiopia 250,000, Yemen 260,000, Djibouti  20,000, Uganda 20, 500 hadaba say noqon kartaa nolosha dadkeenaa ! Saxar ma saarna inay dayac la dadab galeen calool xumo iyo qaracan u dheer tahay inkastoo qaarkood ay la qabatimeen dhibaatada barakaca.

Qod la riday quraanjadii gashaa qoob dad waa u halis , dulucda ticdaas waxaa fasiray bayhoofka ay muwaadiniintu ka dhaxleen barakaca baaluqay. Caano daatay dabadooda ayaa la qabtaa weli waxaan noo furan inaan iskeen uga hor tag waxyaabaha naga geyn kara. Xalka waxaa loo arkaa inuu ku imaan karo siyaasad hagaagsan, kheydaadka oo laga wada fa’iideyso, haqantaagidda dibadda oo la yareeyo.

Waa iney isbeddel sameeyaan qoomiyahu, dawladdu, waxna ka baranaa waxyaabihii sababay haajiridii ummaddihii naga horeeyey kana leexanaa arrimihii gara mariyey marinka toosan, oo aan garowsanaa cawaaqibka ee koobiyo waayaha qaxoonimada.

Ka soomaali ahaan xalinta mushkiladan waxaa inooga furan waddo maankaaga kaasho bal ka waran haddaan dunida ka dul qaadno qeyta aan ku leenahay mashaakilkaas, oo aan noqono kuwo magacaa muunadda liita ka mayrta.

Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Haadi)

Ilaha:http://www.theguardian.com/www.worldvision.org/http://www.therichest.com/http://www.unrefugees.org/
Share: